(Manchester) 08 Sebt 2022. Kooxda Real Sociedad ayaa guul kaga daah furatay kulankeeda koowaad UEFA Europa League ee xilli ciyaareedkan 2022/23, kaddib markii ay 0-1 kaga adkaatay naadiga Manchester United oo ay ku booqatay garoonka Old Trafford
Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Manchester United iyo Real Sociedad ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 59-aad Real Sociedad ayaa rigoore loo dhigay waxaana gool u badelay laacibkooda Brais Méndez, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 0-1.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-1 ay kaga soo adkaatay Real Sociedad, kooxda Manchester United oo ay ku booqatay garoonka Old Trafford, kulankooda koowaad UEFA Europa League ee xilli ciyaareedkan.
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/HmYC2Ay
via IFTTT
0 Comments