Man City oo si sahlan saddexda dhibcood kaga soo heshay kooxda Wolves oo ay booqatay

(Wolves) 17 Sebt 2022. Man City ayaa si sahlan saddexda dhibcood kaga soo heshay kooxda Wolves, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-3, ciyaar ka tirsaneyd kulammada toddobaadkan ee horyalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Manchester City.

Daqiiqadii 1-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 0-1 ka dhigay laacibkooda Grealish, waxaana ka caawiyay De Bruyne.

16 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd Haaland oo caawin ka helay Bernardo Silva ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay Manchester City.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 69-aad Phil Foden oo ay caawin kaga timid De Bruyne ayaa wuxuu hoggaanka u dheereeyay Manchester City, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 0-3.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-3 ay kaga adkaatay Manchester City, kooxda Wolverhampton Wanderers oo ku sugneyd Molineux Stadium, City ayaa hadda kala sarreynta horyaalka ku hoggaamineysa 17 dhibcood waxayna 2 dhibcood ka sarreysaa Arsenal.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/xpbB38n
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments