Horudhac: Sevilla vs Man City… (Haaland oo City ugu bilaabanaya safka hore ee UEFA Champions League)

(Paris) 06 Sebt 2022. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa kulankeeda koowaad ee UEFA Champions League ku bilaabaynaysa safka ay ku aadayso Gobolka Andalus, halkaasoo ay kula soo ciyaari doonaan naadiga Sevilla.

Kaddib markii ay barbaro la soo galeen Sabtidii naadiga Aston Villa, Kooxda Man City ayaa doonaysa caawa inay waddada guusha dib ugu soo laabato marka ay booqdaan kulankooda ugu horreeya heerka guruubyada Champions League kooxda Sevilla.

Dhanka kale Kooxda Sevilla ayaa doonaysa inay iyana ka soo kabato guuldarro 3-0 ah oo kulankoodii ugu dambeeyey ee horyaalka ka soo gaartay Sabtidii Naadiga Barcelona.

Tababare Pep Guardiola ayaa muddo dheer ku soo fadhilmayey isku daygiisa ah inuu markale ku guuleysto tartanka Champions league, waxaana uu caawa tartankan ka bilaabayaa Gobolka Andalus, balse markaan waxa uu adeegsanayaa hubkiisa ugu weyn oo ah Erling Haaland.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: UEFA – Champions League

Kooxaha: Sevilla vs Manchester City

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Estadio R. Sanchez Pizjuan

Garsooraha: Davide Massa (Italy)

Wararka labada kooxood:-

Kooxda reer Spain ee Sevilla ayaan weli ka soo kaban bixitaankii labadeedii daafac dhexe ee Jules Kounde iyo Diego Carlos, iyadoo ay taas u sii raaceen dhaawacyada Karim Rekik iyo Marcao.

Saxiixooda cusub ee Andan Januzaj ayaan weli kulankiisii koowaad u ciyaarin kooxdiisa Sevilla oo uu ku soo biiray xagaagan, iyadoo aan la xaqiijin weli haddii uu Macallin Julien Lopetegui uu dheelsiin doono kulanka caawa.

Dhinaca kale Manchester City, marka laga yimaado Aymeric Laporte oo horay uga maqnaa ciyaaryahanka kale eek a maqnaan kara caawa City waa Kyle Walker oo ku dhaawacmay kulankii dhowaa ee Aston Villa.

Haddii sida la saadaalinayo uu maqnaado kulanka caawa ciyaaryahankan Walker, waxaa dadabka bidix ee daafaca ciyaari doona Nathan Ake oo ku soo billaaban doona, iyadoo daafaca dadabka midig uu u wareegi doono Cancelo.

Weerarka Man City ayaa la filayaa inay ku wada billowdaan Haaland, Mahrez iyo Grealish, halka khadka dhexe ee kooxda Ingiriiska ay ka soo wada muuqan karaan Gundogan, Kevin De Bruyne iyo Rodrigo.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Sevilla (4-3-3): Bono; Navas, Fernando, Nianzou Acuna; Jordan, Delaney, Rakitic; Lamela, En-Nesyri, Gomez.

Man City(4-3-3): Ederson; Cancelo, Stones, Dias, Ake; Gundogan, Rodri, De Bruyne; Mahrez, Haaland, Grealish.

 Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/iF5UrT4
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments