Horudhac: Everton vs Liverpool… (Xaqiiqooyinka aad uga baahan tahay inaad ka ogaato kulanka maanta Merseyside derby)

(Liverpool) 03 Sebt 2022. Kooxda kubadda cagta Everton ayaa soo dhoweynaysa dariskeeda Liverpool, waxaana ay galabta oo Sabti ah ku qaabilayaan garoonka Goodison Park kulankii ugu horreeyey Merseyside derby ee xilli ciyaareedkan 2022-23.

Toffees kooxda lagu naynaaso ayaa kulankan soo galaysa iyadoo guul la’aan ah shanteedii kulan ee ay ciyaartay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan illaa iyo haatan.

Dhanka kale Liverpool ayaa guul ka gaartay daqiiqadii ugu dambeysay kulankii Arbacadii ay la ciyaareen Newcastle United, waxaana ay doonayaan inay caawa guulahooda sii wataan isla markaana ay gaaraan guushoodii saddexaad oo xiriir ah.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Kooxaha: Everton vs Liverpool

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 02:30 Duhurnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Goodison Park

Garsooraha: Anthony Taylor (England)

Wararka Kooxaha:-

Weeraryahanka Everton ee Neil Maupay ayaa qarka u saaran inuu safto kulankiisii ​​ugu horreeyay kaddib markii uu xaq u yeelan waayay kulankii ay barbaraha la galeen Leeds United, halka ciyaaryahanka cusub ee Idrissa Gueye uu sidoo kale ciyaari karo.

Dominic Calvert-Lewin iyo Abdoulaye Doucoure ayaa ku soo laabtay tababarka laakiin waxay u badan tahay in weli aan la heli karin kulankan.

Liverpool ayaa soo dhoweynaysa Weeraryahankeeda Darwin Nunez oo ganaax ku maqnaa, halka Diogo Jota uu ku soo laabtay tababarka Reds.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa si aad u huba in saxiixa cusub ee Naadiga, Darwin Nunez uusan markale xanaaqi doonin haddii xiddigaha Everton ay beegsadaan maanta.

Weeraryahanka reer Uruguay oo 23-sano jir ah ayaa diyaar u ah kulanka Merseyside derby kaddib saddex kulan oo uu ganaax la maqnaa.

Nunez ayaa bishii hore laga saaray kulankiisii ugu horreeyay ee uu ciyaaray garoonka kooxdiisa kaddib markii uu madaxiisaa ku dhuftay daafaca Crystal Palace ee Joachim Andersen.

Jordan Henderson ayaa dhaawac ku maqan kaddib markii la beddelay goortii uu dhaawac muruqa ah soo gaaray kulankii ay guusha ka gaareen Newcastle United, Liverpool ayaana weli sugeysa inay ogaato inta uu la egyahay dhaawaca lacibkeeda khadka dhexe.

Saxiixa cusub ee amaahda Arthur lama filayo inuu helo ogolaansho uu uga mid noqdo kulanka maanta, laakiin Tababare Jurgen Klopp ayaa rajeynaya inuu diyaar u noqdo kulanka ay Arbacada la ciyaari doonaan Napoli ee Champions League.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

>- Everton ayaa kaliya hal kulan guuleysatay 23-keedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier league oo ay la ciyaareen Liverpool, waxaana kulankaasi uu ahaa midkii ay 2-0  uga adkaadeen oo bishii Febraayo ee 2021 ka dhacay garoonka Anfield.

>- Liverpool ayaa guuldarro la’aan ah 11-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay banaanka kula soo ciyaartay horyaalka Naadiga Everton (Away), waxaana ay ka haysataa 3 Guul iyo 8 Babaro, tan iyo guuldarradii 2-0 ee soo gaartay bishii October sanadkii 2010-kii.

>- Reds waxa ay ku badin kartaa kulamo xiriir ah garoonka Goodison Park markii ugu horreysay tan iyo saddex guul oo ay gaareen intii u dhaxeysay 2007 iyo 2009.

>- Everton ayaa guuleysatay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeeyey Premier League ee kulamada Merseyside derby marka ay dhaliyeen goolka hore ee ciyaarta, halka ay guul darro la kulmeen kulanka kale.

> Kulanka The Merseyside derby ee Premier League ayaa lagu bixiyey 22 kaar oo casaan ah.

Everton

>- Everton ayaa barbaro geli karta afar kulan oo xiriir ah horyaalka Premier League markii ugu horreysay tan iyo markii sidaan oo kale afar barbaro oo xiriir ah gashay bishii November ee sanadkii 2012-kii, waxaana kulammada ku jiray mid ay garoonkooda kula ciyaareen garoonkooda naadiga Liverpool.

>- Everton ayaa guuldarro la kulmi karta mid kasta oo ka mid ah saddexdeedii kulan ee ugu horreeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay xilli ciyaareedka cusub tan iyo fasal ciyaareedkii 2014-15 oo ay ka hoos ciyaareysay Roberto Martinez.

>- Frank Lampard ayaa guuldarro la kulmay dhammaan afartiisii kulan ee uu horyaalka Premier League la ciyaaray kooxda Tababare Jurgen Klopp ee Liverpool, kooxdiisa ayaana laga dhaliyey ugu yaraan labo gool mid kasta.

>- Lampard waxa uu soo qaatay 80 kulan oo Premier League ah isagoo tababare ah (57 kulan waxa uu hoggaamiyey Chelsea, halka 23 uu horkacay Everton), waxaana uu helay 69 dhibcood 40-kii kulan ee ugu horreeyay, laakiin kaliya 49 dhibcood ayuu ka helay 40-kii kulan ee ugu dambeeyey.

>- Anthony Gordon oo 21 jir ah ayaa noqon karaa ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee Everton gool ka dhaliya saddex kulan oo isku xigta oo Premier League ah tan iyo Romelu Lukaku oo sidaas sameeyay isagoo 20 jir ah bishii October ee 2013 iyo kii ugu yaraa ee Ingiriis ah tan iyo 19-sano jirkii Francis Jeffers oo isna sidaas oo kale sameeyey bishii September ee sanadkii 2000.

>- Seamus Coleman ayaa qarka u saaran inuu ciyaaro kulankiisii 18-aad Premier League ee Merseyside Derby, isagoo barbareyn kara rikoorkii safashada kulankan ee Everton oo ay horay u sameeyeen, Tim Howard, Tony Hibbert, Leighton Baines iyo Leon Osman.

Liverpool

>- Liverpool ayaa dhalisay 40 gool oo ay guul ku qaadatay daqiiqadii 90-aad ee horyaalka Premier League, waxayna 12 gool ka badan tahay kooxaha kale.

>- Liverpool ayaa guuldarreysan karta kulammo isku xiga horyaalka Premier League iyadoo ku ciyaareysa meel ka baxsan garoonkeeda, markii ugu horreysay tan iyo bishii Febraayo ee sanadkii 2017, waxaana markaas ay heshay kulamo isku xiga 2-0 oo ay kala kulantay Hull City iyo 3-1 ay uga badisay Leicester City.

>- Reds markii ugu dambeysay oo ay ku guuldarreysato inay guul gaarto mid kasta oo ka mid ah saddexdeedii kulan ee ugu horreeyey horyaalka hal xilli ciyaareed waxay ahayd sanadkii 2010-kii, markaasoo ay afar kulan oo xiriir ah bannaanka guul ku soo heli weysay iyadoo ka hoos ciyaareysay Macallin Roy Hodgson.

>- Liverpool ayaa dhalisay 52 gool 53-deedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League, marka laga reebo guuldarro 1-0 ah oo ka soo gaartay Leicester City 28-ka bishii December ee 2021.

>- Saddex ka mid ah afartii goo lee Mohamed Salah uu Liverpool u dhaliyey horyaalka Premier League, isagoo ka horjeeda Everton waxa ay yimaadeen iyadoo lagu ciyaarayo garoonka Goodison Park, kaliya Michael Owen oo afar gool Toffees kaga soo dhaliyey garoonkeeda ayaa Salah kaga goolal badan tartankan.

>- Salah ayaa dhaliyay 144 gool waxaana uu caawiyay 49 gool horyaalka Premier League tan iyo markii uu saftay kulankiisii ugu horreeyay bishii February ee sanadkii 2014, muddadaas Raheem Sterling ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee gaaray 100 gool 50 caawin, waxa uu dhaliyey 107 gool, isagoo caawiyey 53 gool, inkastoo Salah uu labo xilli ciyaareed iyo bar ku soo qaatay horyaalka Serie A.

>- Darwin Nunez waxa uu noqon karaa ciyaaryahankii labaad ee gool ka dhaliya labadii kulan ee ugu horreysay Premier League ee uu u saftay Liverpool, iyadoo lagu ciyaarayo meel ka baxsan garoonka Reds, isagoo barbarayn doona Jan Molby oo sidaas oo kale sameeyey bishii Agoosto ee sanadkii 1992.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Everton: Pickford; Patterson, Coady, Tarkowski, Mykolenko; McNeil, Davies, Onana, Iwobi, Gordon; Maupay.

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Elliott, Fabinho, Carvalho; Salah, Firmino, Diaz.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/wFAevyq
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments