Eriksen oo shaaca ka qaaday xiddiga aan qiimeyntiisa la siinin ee u soo baxay Man United tan iyo markii uu yimid Macallin Ten Hag

(Manchester) 12 Sebt 2022. Ciyaaryahanka khadka dhexe uga ciyaara kooxda kubadda cagta Manchester United Christian Eriksen ayaa shaaca ka qaaday xiddi aan qiimeyntii uu lahaa lasiinin ee u soo baxay naadiga tan iyo markii uu yimid Macallin Erik Ten Hag.

Eriksen ayaa magacaabay geesigaas aan loo heesin, kaasoo uu sheegay inuu yahay sirtii ka dambeysay guulihii isku xigay ee afarta ahaa ee ay ka gaareen horyaalka Premier League.

Kooxda Manchester United ayaa labadii kulan ee ugu horreeyey horyaalka Premier League, balse si weyn ayay isku beddeshay waxaana ay gaareen afar guul oo xiriir ah, iyagoo wada garaacay Liverpool, Arsenal, Leicester City iyo Southampton.

Xiddiga xulka qaranka Denmark ee Eriksen ayay Scott McTominay khadka dhexe ku soo wada billowdeen afartii kulan ee ay guuleysteen, waxaana ay soo bandhigeen ciyaar aad u heer sarreysa, balse kulankii ugu dambeeyey ee ay la ciyaareen Real Sociedad ayay guuldarro soo gaartay, kaddib markii kursiga keydka la dhigay Scott McTominay.

Eriksen oo Wareysi siiyey Warbaahinta kooxdiisa Man United ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga aysan dadku dareensanayn, isla markaana aan helin qiimeyntii uu mudnaa uu yahay Scott McTominay, waxaana uu yiri:-

“Scott si wanaagsan ayuu u ciyaaray, waxayna ila tahay in aad arki karayseen bandhiggiisa kulammadii uu ciyaaray.”

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/7qMzhdR
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments