Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa ayiday doorashadii William Ruto ee madaxweynaha shanaad ee dalkaas, taasi oo soo geba-gebeysay isku day uu musharaxii laga guuleystay Raila Odinga ku doonayey inuu meesha kaga saaro.
Dhammaan garsoorayaasha Maxkamadda oo ay hoggaamineysay guddoomiyaha Maxkamadda Sare Martha Koome ayaa isku raacay in la tuuro codsiga isbahaysiga Azimio la Umoja ee Odinga, oo ku dooday in ku dhowaaqista Ruto ee madaxweynaha Kenya ay tahay mid aan waxba ka jirin.
Maxkamadda Sare ayaa sheegtay inaysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya inay doorashada ka dhaceen khaladaad beddeli karay natiijada.
“Kani waa go’aan loo wada dhan yahay. Dhammaan codsiyadii waa lagu gacan sayray, sidaas darteed, waxaan halkan uga dhowaaqeynaa in Ruto uu yahay madaxweynaha la doortay,” ayey tiri guddoomiyaha Maxkamadda Sare Martha Koome.
The post DEG DEG: Maxkamadda Sare ee Kenya oo go’aan rasmi ah ka gaartay doorashadii Ruto appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/deg-deg-maxkamadda-sare-ee-kenya-oo-goaan-rasmi-ah-ka-gaartay-doorashadii-ruto/
0 Comments