(London) 19 Sebt 2022. Alan Shearer oo ka mid ah halyeeyada Premier League ayaa maqaal uu saaka ku qoray shabadda BBC, waxa uu shaaca kaga qaaday in Arsenal ay sidii hore ka fiican tahay haatan, balse aysan weli ahayn koox u tartamaysa hanashada horyaalka Premier League.
Inkastoo ay hoggaanka u hayaan horyaalka Premier League haatan, haddana Alan Shearer waxa uurumeysan in Arsenal aysan weli ahayn koox u tartamaysa hanashada horyaalka.
18-dhibcood ayay ku fadhiyaan hoggaanka horyaalka Premier League kaddib markii ay guul gaareen lix ka mid ah todobadii kulan ee ay ciyaareen horyaalka ilaa iyo haatan, laakiin sidaas oo ay tahay Shearer ayaa qiray in Gunners aan la dhihi karin waa koox u tartamaysa hanashada horyaalka, balse hammigoodu yahay inay ku dhammaystaan afarta sare.
“Lama joogo weli waqtigii la dhihi lahaa Arsenal waa koox u tartameysa horyaalka, laakiin dadku waa ay ogyihiin in kooxdaan Arsenal ay ka duwan tahay sidii ay ahayd 13 bilood ka hor.” ayuu Alan Shearer ku bilaabay qormadiisa.
“Guushii ay ka gaareen Brentford ee 3-0 wax ay tusaale u tahay horumarka ay ku sameynayaan ka hoos ciyaaridda Macallin Mikel Arteta.
“Kooxdaan Arsenal kaliya kama weyna kamana xooggana sidii hore, sidoo kale waa ay ka xamaasadeysan yihiin, kulankii Axadda waxay ka fiicnaayeen dhan walba min bilow ilaa iyo dhammaad.
“Waxaan weli aaminsanahay in Arsenal yoolkooda uu yahay inay afarta sare ku dhammeystaan markii ugu horreysay tan iyo 2016-kii, ilaa iyo haatan wax qaldan ma aysan sameynin.
“Labada kulan ee soo aaddan horyaalka waxay la ciyaarayaan Spurs iyo Liverpool, waxayna taasi inoo sheegi doontaa haddii ay sii joogteyn karaan sida xooggan ee ay ku bilowdeen xilli ciyaareedka, balse waqti xaadirkaan Jamaahiirtoodu way ku faraxsan yihiin waxa ay arkaan.” ayuu Alan Shearer ku sheegay qormadiisa.
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/lUG891X
via IFTTT
0 Comments