(London) 07 Sebt 2022. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa shaqada ka cayrisay tababaraheedii Thomas Tuchel kaddib guuldarradii xalay ka soo gaartay Dinamo Zagreb ee Champions League.
Blues ayaa xalay guuldarro ku billaabatay UEFA Champions League kaddib markii ay guuldarro 1-0 kala soo laabteen Dinamo Zagreb oo booqdeen, waxaana goolkaas ka dhaliyey Mislav Orsic, iyadoo markii horeba xilli ciyaareedka ay Blues ku billaabatay qaab gaabis ah.
Kaddib markii ay shaqada ka cayrisay Macallinkan reer Jarmal ee Thomas Tuchel kooxda Chelsea ayaa maamulkeedu beddel uga dhigi doonaan midkood afar tababare.

Sida ay warinayso Jariiradda Express, kooxda ka dhisan Galbeedka Magaalada London ayaa midkood tababare ka dhigan doonta afarta Macallin ee kala ah, Mauricio Pochettino, Zinedine Zidane, Graham Potter iyo Joachim Low.
Dhinaca kale sida uu warinayo Suxufiga Kooxda Chelsea ku dhaw ee Matt Law, tababaraha ugu cad cad inuu dhaxlo booskii uu banneeyey Thomas Tuchel ayaa ah Macallinka Naadiga Brighton wacdaraha ku dhigaya ee Graham Potter.
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/L8ODY6y
via IFTTT
0 Comments