(Munich) 29 Agoosto 2022. Xiddiga bartilmaameedka u ah Chelsea ee Wesley Fofana ayaa lagu soo warramayaa inuu tijaabada caafimaadka ku maray dalka Mareykanka ka hor inta uusan Blues ugu dhaqaaqin Adduun dhan 70 milyan oo gini.
Wesley Fofana ayaa haatan ku dhow inuu dhammaystiro u dhaqaaqistiisa garoonka Stamford Bridge, maadaama uu baaritaanka caafimaad ku maray dalka Markaykan.
U wareegista Fofana ee Blues ayaa qaadatay waqti badan inay ka wada xaajoodaan, iyadoo Leicester City ay diidday dalabyo badan oo ka yimid Chelsea ee ay ku doonaysay xiddigan toddobaadyadii u dambeeyay.
Si kastaba ha ahaatee, Foxes ayaa ugu dambeyntii aqbashay lacag dhan 70 milyan oo gini Jimcihii, 21-sano jirkaan daafaca dhexe ayaa yimid Mareykanka Axaddii si uu u maro baaritaankiisa caafimaad ee Blues, sida laga soo xigtay Wargeyska The Athletic.
Milkiilaha Chelsea ee Todd Boehly ayaa ka walaacsan in Khamiista ay ku eg yahay Suuqa kala iibsiga xiddigaha, waxaana la fahamsan yahay in Fofana uu u aaday Mareykanka si uu u soo gabagabeeyo u dhaqdhaqaaqistiisa galbeedka Magaalada London, isla markaana uu xasilooni maskaxeed siiyo kooxda uu Madaxweynaha u yahay Boehly.
Fofana ayaa seegay inta badan xilli ciyaareedkii hore kaddib markii uu lugta ka jabay, isla markaana uu soo gaaray dhaawac weyn oo canqowga ah, tan iyo markii uu ku soo laabtay garoommada, maa mid si weli si weyn loo qaddariyo, iyadoo Chelsea ay haatan u muuqato inay ugu dambeyntii gacanta ku soo dhigtay bartilmaameedkeeda koowaad ee suuqa kala iibsiga xagaaga.
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/ZJlxbQ5
via IFTTT
0 Comments