Waatan Kooxda Kaliya Ee Champions League Ka Ciyaaraysa Ee Xiisaynaysa Cristiano Ronaldo


Warar online

Sida uu sheegayo wargeyska The Independent, weeraryahanka Man United ee Cristiano Ronaldo ayay xiisaynaysaa kaliya hal koox oo Champions League ka ciyaaraysaa waana kooxdiisii hore ee Sporting Lisbon.

Ronaldo ayaa 24 gool iyo 3 caawimo soo sameeyay 38 kulan oo uu tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore Manchester uga soo ciyaaray, hal sano oo kale ayaa uga hadhsan heshiiska uu ku joogo Old Trafford oo sidoo kale dhigaya qoddobka ah haddii la isku afgarto in la gaadhsiin karo ilaa 2024.

Si kastaba, inay Red Devils ku fashilmeen xilli ciyaareedkan inaysan Champions League usoo bixin ayaan ka dhaadhicin 37 sano jirkaas oo bixitaan ka codsaday.

Wakiilka Ronaldo ee Jorge Mendes ayaa saxeexa ciyaaryahankiisa u bandhigay kooxaha Chelsea, Bayern Munich iyo Atletico Madrid balse dhammaantood ayaa iska fogeeyay.

Si kastaba, Ronaldo ayaan u muuqan mid u furan aragtida ah inuu ku laabto kooxdiisii hore ee Sporting isla markaana horyaalka Premiera Liga u arka dib u dhac.

Ronaldo ayaa kusoo dhibtooday inuu xagaagan helo kooxo uu ku qanco oo saxeexiisa doonaya, haatan waxa la eegi doonaa haddii uu ku negaado Manchester United kahor xidhitaanka suuqa ee 1-da September.

Ugu dambayn, Ronnie ayaa kaliya hal kulan ugu soo bilawday United saddex kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, ma cada haddii tababare Ten Hag shaxda kusoo celin doono haddii uu kooxda sii joogo

Post a Comment

0 Comments