Maxaa ka soo kordhay heshiiska uu Aubameyang ugu biirayo Chelsea?

(London) 29 Agoosto 2022. Warbaahinta ayaa maanta oo Isniin ah, shaacisay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku saabsan mustaqbalka weeraryahanka reer Gabon iyo kooxda Barcelona ee Pierre-Emerick Aubameyang.

Warar dhowr ah ayaa sheegaya in maamulka Barcelona ay doonayaan inay iibiyaan Aubameyang iyo Memphis Depay si ay u dhimmaan mushaarka kooxda.

Suxufiga arrimaha suuqa kala iibsiga aadka wax uga qora laguna qadariyo ee Fabrizio Romano ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka wuxuu ku sheegay “Ma jiraan wax dhibaato ah oo dhanka Aubameyang ah oo ku saabsan u dhaqaaqista Chelsea.”

Wararka qaar ayaa sheegaya in Aubameyang uu diiday fikradda ah inuu u dhaqaaqo Chelsea.

Khabiirka suuqa kala iibsiga ayaa intaa ku daray: “Wada xaajoodyada Chelsea iyo Barcelona ayaa wali socda, labada kooxood ayaan ku dhowaanin inay heshiis gaaraan todobaadkii la soo dhaafay, wada-hadalladana lama joojin maanta.”

“Waxaa jiri doona kulan muhiim ah 24-ka saac ee soo socda si loo go’aamiyo masiirka Aubameyang, laakiin ilaa hadda Chelsea waxa ay ku adkaysanaysaa in Marcos Alonso uu qayb ka noqdo heshiiska”

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/nb6ATjH
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments