Idiris Dhaqtar: Koonfur Galbeed waxaa la siiyey wasaaradaha ugu hooseeya

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka soo jeeda dhanka Koonfur Galbeed, isla-markaana ka mid ahaa baarlamaankii 10-aad ee dalka ayaa si weyn u dhaliilay golaha wasiirada ee uu shalay magacaabay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Dhaqtar oo wareysi siiyey Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday in Koonfur la liiday, isla-markaana la siiyey wasaaradaha ugu hoseeya ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa kale uu intaasi ku daray in golaha xukuumadda ee haatan la soo dhisay ay yihiin kuwii abid ugu tayada xumaa, sida uu hadalka u dhigay.

“Wasaaradaha ugu hooseeya ayaa la siiyey wasiirada Koonfur Galbeed ku metela hay’adda fulinta ee dalka. Waa golahii wasiirada ugu xumaa ee abid Soomaaliya yeelato,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray golihii uu horey uga tirsanaan jiray ee golaha shacabka, wuxuuna ugu baaqay in aysan anisixin xukuumadda cusub.

“Aniga waxaan ka codsanaa golaha shacabka in aan la ansixin Golaha Wasiirada” ayuu ysii raaciyey xildhibaan hore Idiris Cabdi Dhakhtar.

Golaha wasiirada ee lagu dhawaaqay ayaa ka kooban 26 xubnood, waxaana ku jiro xubno kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo ay ka mid yihiin Sheekh Mukhtaar Roobow Wasiirka Awqaafta iyo Diinta, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) Wasiirka Gaashaandhigga,  Xasan Xuseen Eelaay, Wasiirka Xananaada Xoolaha, Axmed Madoobe Nuunoow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka iyo Jaamac Taqal, Wasiirka Korontada iyo Biyaha ee Soomaaliya.

The post Idiris Dhaqtar: Koonfur Galbeed waxaa la siiyey wasaaradaha ugu hooseeya appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/idiris-cabdi-dhaqtar-koonfur-galbeed-waxaa-la-siiyey-wasaaradaha-ugu-hooseeya/

Post a Comment

0 Comments