(Manchester) 27 Agoosto 2022. Manchester United ayaa doonaysa inay guusheedii labaad oo xiriir ah gaarto horyaalka Premier League, kaddib markii kulankii dhowaa ay ka soo adkaadeen Liverpool, marka ay maanta booqanayaan naadiga Southampton.
Red Devils ayaa guul 2-1 ah ka gaartay kooxda ay xifaaltamaan ee Reds Isniintii, iyagoo ka soo dhaqaaqay kaalinta 19-aad isla markaana soo gaartay booska 14-aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League.
Dhanka Southampton kaddib markii ay guuldarro ku daah furteen horyaalka ka soo gaartay Spurs, haatan afar dhibcood ayay ka heshay labadeedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka oo ay la kala ciyaartay Leeds United iyo Leicester City, waxaana ay ku jirtaa iminka kaalinta 11-aad ee Premier League, iyagoo soo adkaaday kulankii ay ciyaareen Taladaadii ee League Cup.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: England – Premier League
Kooxaha: Southampton vs Manchester United
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 02:30 Duhurnimo xilliga Geeska Afrika.
Garoonka: St. Mary’s Stadium
Garsooraha: Andrew Madley (England)
Wararka Kooxaha:-
Southampton ayaa laga yaabaa inay dib u soo dhowayso Romain Perraud kaddib dhibaato gumaarka ah oo uu la maqnaa, laakiin Tino Livramento ayaa wali ka maqnaan doona muddo dheer.
Weeraryahan Che Adams ayaa rajeynaya inuu ku bilowdo safka hore kaddib labo gool oo uu ka dhaliyay kulankii Leicester isbuucii hore, kaddib markii uu ka soo kacay kursiga keydka.
Manchester United ayaa heli doonta kulanka maanta inay soo xulato xiddigeeda khadka dhexe ee Casemiro, kaddib markii uu helay ogolaanshaha shaqada UK, waxayna u badan tahay inuu kulankiisii ugu horreeyey maanta u ciyaari doono Red Devils.
Anthony Martial oo dhaawac ka soo laabtay kulankii ay guusha ka heleen dhowaan Liverpool, isla markaana caawiye ka ahaa goolkii guusha ee uu dhaliyey Rashford ayaa dhaawac ku laabtay, waana uu seegi doonaa kulanka maanta.
Dhanka kale daafaca Man United ee Victor Lindelof ayaan maanta la heli karin oo ka sii maqnaan doona Naadiga.
Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-
Fool Ka Fool
>- Southampton ayaan ka badinin Manchester United mid ka mid ah 12-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay wada ciyaareen horyaalka Premier League, waxayna kala kulantay 7-barbaro iyo 5 guuldarro.
>- Saints ayaa labo gool u jirta in laga dhaliyo 100 gool oo horyaalka Premier League ah kulammada ay wajahayso Man United.
Southampton
>- Southampton ayaa laga badiyay shan ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay garoonkooda horyaalka Premier League, labada kulan oo kalena waxa ay ka heshay hal guul iyo hal barbaro.
>- Laba gool iyo wax ka badan ayaa laga dhaliyay dhammaan todobadaas naadiga Southampton, marka laga reebo 1-0 ay kaga adkaadeen Arsenal.
>- James Ward-Prowse ayaa dhaliyey sagaal gool, isla markaana lix caawin sameeyey 25-kiisii kulan ee ugu dambeeyey oo uu ka soo muuqday horyaalka.
>-Si kastaba ha ahaatee, kabtanka Saints weli wax gool ah kuma dhalin garoonka St Mary’s sanadka 2022, inkastoo uu ku ciyaaray 11 kulan oo horyaalka ah.
>- Saddex ka mid ah shanta gool ee ay Southampton ka dhalisay xilli ciyaareedkan horyaalka waxa ay ka yimaadeen xiddigo beddel ku soo galay.
Manchester United
>- Manchester United ayaa laga yaabaa inay badiso kulammo isku xiga ee horyaalka Premier League markii ugu horreysay tan iyo bishii Febraayo.
>- Red Devils ayaa haatan haysata todobo guuldarro oo isku xiga oo horyaalka ah iyadoo ku ciyaaraysa meel ka baxsan garoonkeeda, waa tii ugu xumayd tan iyo markii laga badiyay 10 kulan oo xiriir ah kulammada bannaanka sanadkii 1936.
>- Man United ayaa isku dayaysa inay iska ilaaliso inay guuldarro soo gaarto mid kasta oo ka mid ah labadii kulan ee ugu horreeyey horyaalka ee ay ku ciyaartay bannanka xilli ciyaareedka, markii ugu dambeeyey oo ay guuldarro isku xiga ay bannaanka ku soo gaareen horyaalka waxa ay ahayd sanadkii 1973-kii.
>- Marcus Rashford wax gool ah kama dhalinin horyaalka Premier League markii lagu soo billaabay safka hore, iyadoo lagu ciyaarayo meel ka baxsan garoonka kooxdiisa tan iyo kulankii Leicester City ee Boxing Day 2020.
Shaxda macquulka ah ee labada koox:-
Southampton: Bazunu; Walker-Peters, Bella-Kotchap, Salisu, Djenepo; Ward-Prowse, Lavia; Aribo, Elyounoussi, A Armstrong; Adams.
Manchester United: De Gea; Dalot, Varane, L Martinez, Malacia; Fernandes, Casemiro, Eriksen; Sancho, Rashford, Elanga.
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/l7enxkR
via IFTTT
0 Comments