Halkee marayaan wada-hadalada madaxtooyada & baarlamaanka Puntland?

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Garoowe ayaa sheegaya in ay mar kale xalay kulan yeesheen guddi ka socday baarlamaanka Puntland iyo madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Cabdullahi Deni, kaas oo looga hadlayey xiisadda ka taagan Puntland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa xiisadda u dhexeysa baarlamaanka iyo madaxtooyada, taas oo ka dhalatay magacaabista xubnaha maxkamadda sare oo ay ka biyo diideen golaha wakiilada Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in haatan ay jirto isku soo dhowaasho labada dhinac ah, taas oo meesha looga saarayo mad-madowga soo kala dhex-galay madaxtooyada & baarlamaanka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Saciid Deni ayaa ballan-qaaday in uu mar kale soo magacaabayo xubnaha maxkamadda sare ee ay goluhu horey u diideen inay meel-mariyaan, taas oo xudun u noqotay khilaafka siyaasadeed ee ka jira magaalada Garoowe.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Puntland ay keensadeen xubnaha qaar ee loo magacaabayo maxkamadda sare, taas oo ay cadaadis ku saarayaan madaxweynaha oo horey laba jeer ku adkeysatay xubnaha laga diiday.

Waxaa sidoo kale suuragal ah in madaxweynuhu ciyaaro shax kale, isla-markaana uu soo celiyo tiro kamid ah xubnihii hore loo diidanaa ee uu u magacaabay maxkamadda sare.

Si kastaba, xiisaddani ayaa si weyn u saameysay wada-shaqeynta xukuumadda iyo baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, taas oo hoos u dhacday.

The post Halkee marayaan wada-hadalada madaxtooyada & baarlamaanka Puntland? appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/halkee-ayey-marayaan-wadahadallada-madaxtooyada-iyo-baarlamaanka-puntland/

Post a Comment

0 Comments