(Munich) 29 Agoosto 2022. Ciyaaryahankii kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la soo warinayaa inuu maanta oo Isniin ah u duuli doono dalka Jarmalka si uu ugu biiro naadiga halkaas ka dhisan.
Sida uu warinayo Sky Sports xiddigii kooxda Chelsea ee Callum Hudson-Odoi ayaa qarka u saaran inuu heshiis amaah ah uga mid noqdo naadiga Bayer Leverkusen ee dalka Jarmalka.
Laacibkaan booska ka heli waayey Blues ayaa u safri doona dalka Jarmalka isniinta maanta si uu tijaabada caafimaadka ugu maro Leverkusen ka hor inta uusan dhammeystirin heshiiska amaahda ah ee uu uga mid noqonayo.
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/u5lvSV4
via IFTTT
0 Comments