Anthony Martial oo wadahadallo heshiis kordhin ah la yeelanaya Kooxda Manchester United

(Manchester) 28 Agoosto 2022. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay isku diyaarineyso inay wadahadallo qandaraas kordhin ah la yeelato Anthony Martial.

26-sano jirkaan ayaa amaah uu ku joogay Kooxda Sevilla ku dhammeystay xilli ciyaareedkii 2021-22, waxaana si weyn loo filayay inuu ka tagayo garoonka Old Trafford inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan.

Si kastaba ha noqotee, xiddiga xulka qaranka Faransiiska ayaa wacdaro ka dhigay Red Devils intii ay ku guda jireen safarkooda isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee ay ku joogeen dalalka Thailand iyo Australia, iyadoo weeraryahanka uu wacdaro ka dhigay sidoo kale ka hoos ciyaaridda tababaraha cusub ee kooxda, Erik ten Hag.

Martial ayaa ku soo bilowday xilli ciyaareedka isagoo ah gool dhaliyaha koowaad ee kooxda, laakiin waxa uu ka maqnaa labadii kulan ee ugu horreeyay oo ay la kala ciyaareen Kooxaha Brighton & Hove Albion iyo Brentford, maadaama uu xanuun ka dareemayay muruqa.

Weeraryahankan ayaa ka soo muuqday kursiga keydka kulankii Liverpool isniintii la soo dhaafay, balse beddel ayuu ku soo galay, isagoo caawiye ka ahaa goolkii uu dhaliyey Marcus Rashford, waxaana uu doonayay inuu ku soo bilowdo kulankii Sabtidii shalay ee Southampton.

Yeelkeede, Martial ayaa ugu dambeyntii laga saaray kulanka Saints sababo la xiriira xanuunkaas muruqa ah, laakiin waxaa laga yaabaa inuu soo laabto safka Man United kulanka soo socda ee kooxdu ay la ciyaareyso Leicester City 1-da bisha Sebtember.

Haatan sida warbixinnadu ay tilmaamayaan tababare Erik Ten Hag ayaa la dhacsan qaab ciyareedka Martial, iyagoo wahadallo heshiis kordhin ah la bilaabaya goordhow.

Martial ayaa Man United u saftay 270 kulan tan iyo markii uu kaga soo biiray Naadiga Monaco sanadkii 2015, isagoo dhaliyay 79 gool tartammada oo dhan, isla markaana u sameeyey 51 caawin.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/0DoLzQx
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments