Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta si rasmi ah u guda gashay dhageysiga dacwadda uu u gudbiyey la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin, taas oo la xiriirta kursiga loo doortay ee HOP086, kadib markii uu hakiyey FEIT.
Dooda ayaa goordhow bilaabatay, waxaana haatan socota dhageysiga dooda u dhexeyso labada dhinac, iyada oo la filayo in kadib maxkamaddu ay soo saarto go’aankeeda.
Hoolka ay ka socoto dooda ayaa ah mid firaaqo ah, waxaana la xadiday dadka ka qeyb-galaya dhageysiga dacwddaan oo ah mid xasaasi ah, marka laga reebo qareennada difaacaya Fahad, kuwa u doodaya guddiga FIET iyo guddoonka maxkamadda sare ee dalka.
Maxkamadda Sare ayaa 10-kii bishaan April xaqiijisay inay qabatay gal-dacwadeed uu soo gudbiyey la taliyaha dhanka amniga ee Farmaajo, Fahad Daahir Axmed (Fahad Yaasiin).
Fahad ayaa ka dacwoonaya guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT oo sharci darro ku tilmaamay doorashadii kursiga uu Fahad ka soo qaatay Beledweyne ee HOP086.
Maxkamadaan waxaa guddoomiye ka ah Baashe Yuusuf Axmed oo ah nin aad ugu dhow nidaamka Farmaajo, siyaasiyiin badan oo kiiskaan isha ku haya ayaa qaba tuhun ah in Maxkamaddu fasixi doonto kursigaas.
Hase yeeshee Garyaqaanka guud ee dowladda oo xilligaas qabsaday maalmo dheeraad ah, si uu u soo xaqiijiyo hanaankii loo maray doorashada kursiga Fahad Yaasiin ayaa Sabtidii shalay Maxkamadda ku jawaab celiyey.
Qoraalkii xafiiska Garyaqaanka guud ee dowladda uu u diray Maxkamadda Sare waxaa lagu sheegay inuu aaminsanyahay in Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ay hakinta kursiga HOP086 u mareen habraacii saxda ahaa ee loogu talagalay habraaca fulinta doorashada dadban.
Xafiiska ayaa sidoo kale difaacay awoodda iyo sharciyadda guddiga doorashada, wuxuuna sheegay in gudidga ay awooddiisu tahay inuu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doorashada iyo xaqiijinta inay si isku mid ah u dhacdo hannaanka doorashadu iyo dabagalka fulinta hannaankii lagu heshiiyay ee qabsoomidda doorashooyinka Somalia.
Halkan hoose ka daawo:-
The post TOOS: Maxkamadda sare oo billowday dhageysiga dacwadda kursiga FAHAD appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/toos-maxkamadda-sare-oo-billowday-dhageysiga-dacwadda-kursiga-fahad/
0 Comments