Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar culus oo saaka dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shababa ku qaadeen saldhig ciidamada ammaanka Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af-urur oo ku yaal gobolka Bari.
Weerarka oo ku billowday madaafiic ayaa waxaa xigay iska hor imaad u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo xoogagii weerarka qaaday, kaas oo saacado qaatay.
Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay madaafiicda qaar ay ku dhaceen gudaha saldhigga iyo hareerihiisa, waxaana ay shaaciyeen in aysan caddeyn karin khasaaraha rasmiga ah.
Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka Puntland oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey.
Al-Shabaab ayaa dhankeeda guullo ka sheehatay, waxayna shaacisay inay gubtay xerada uu weerarka ka dhacay, ayna diashay dhowr askari, sida ay hadalka u dhigtay.
Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana ciidamada ammaanka Puntland oo gurmad ka helay kuwa PSF ay howl-gallo ka bilaabeen nawaaxiga deegaanka Af-urur oo hoostaga Boosaaso.
Weerarkan wuxuu kusoo aadayo, iyada oo degmooyin ka tirsan Puntland ay ka billowdeen doorashooyin qof iyo cod ah oo lagu soo dooranayo golayaasha deegaanka.
The post Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Af-urur + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/al-shabaab-oo-weerar-culus-ku-qaaday-af-urur-khasaaraha/
0 Comments