Xog: Laftagareen oo ka qeyb geli doono shirka uu iclaamiyey Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo horey u diiday inuu ka qeybgalo shirka uu iclaamiyey Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda lasoo sheegayaa inuu badalay mowqifkiisa.

Sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo kamid ah xafiiska Ra’isulwasaare Rooble, Laftagareen ayaa ugu dambeyn aqbalay inuu ka qeybgalo shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee uu iclaamiyey Rooble.

Laftagareen ayaa la sheegay inuu cadaadis xoog leh kala kulmay Beesha Caalamka taasna ay keentay inuu aqbalo ka qeybgalka shirkaas, waxaana la filayaa inuu Maalmaha soo socdo soo gaaro Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa horey u sheegay inuu ka qeybgeli doono shirka uu iclaamiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna sababta ku sheegay inay tahay isagoo aan ku qanacsaneyn isbadalkii uu Rooble ku sameeyey guddiga xalinta khilaafaadka.

Illaa hadda lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee uu furmi doono shirka madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’isulwasaare Rooble, balse waxaa la filayaa inuu furmo Asbucaan gudahiisa.

The post Xog: Laftagareen oo ka qeyb geli doono shirka uu iclaamiyey Rooble appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/xog-laftagareen-oo-ka-qeyb-geli-doono-shirka-uu-iclaamiyey-rooble/

Post a Comment

0 Comments