Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaacisay liiska xubnaha guddiyada ee soo xulaya ergada dooraneysa lixda kursi ee ugu horreeya xubnaha Golaha Shacabka ee ka imaanaya degaanada maamulkaas gaar ahaan degmada Kismaayo.
Durba waxaa soo baxeyso cabasho laga muujinayo sida uu Axmed Madoobe ku wajahayo doorashada Golaha Shacabka, waxaana lagu eedeeyey inuu Kuraasta dhan u diyaarsaday shaqsiyaad uu isaga aaminsan yahay.
Sidoo kale waxaa lagu eedeeyey inuusan wax talo ah ka siin salaadiinta iyo odayaasha dhaqanka rasmiga ah ee loogu talagalay inay soo xulaan ergada dooraneyso Kuraasta.
Oday dhaqameedyadii rasmiga ahaa ayaa haatan qaarkood si cad uga hor yimid inuu Ahmed Madoobe doorashada sida uu isaga rabo ka sameeyo.
Waxaa fashilmay qorsho uu Axmed Madoobe ku doonayey in ergada soo dooraneyso dhammaantood laga dhigo Askar isaga ka amar qaata, waxaana qorshahaan Axmed Madoobe la waday guddoomiyaha guddiga doorashada ee Jubbaland.
Kuraasta hadda lagu dhawaaqayo doorashadooda ayaa la sheegay inuu Axmed Madoobe doonayo inay kusoo baxaan shaqsiyaadka hoose ku qoran:
| Kursiga | Qofka la siinayo |
| HOP#217 | Hassan Abdi ismaaciil (Hassan Firinbi) |
| Hop#203 | Hamze Abdi Bare (gudoomiyahii Doorashada Ahmed Madoobe) |
| Hop#082 | Abdirashid Jire Qalinle (wasiirka Madaxtooyada Jubbaland) |
| Hop#028 | Abdinur Ali aadan |
| Hop#134 | Sahra Jaamac Ali (Sahra Qoorsheel) |
| Hop#113 | Maryan Aweis Jamac (wasiiradda gaadiidka badda) |
| Hop#136 | Omar Yusuf Galadiid
Waxaa kursiga loo diidan yahay colneel Khaalid Abdullahi |
| HOP#072 | Cabdirashiid Maxamed Xidig
Waxaa kursiga loo diidan yahay Cabdi Cali Raage |
| HOP#219 | Rooda Carab (Jinni Boqor) iyo Koojaar midkood
Waxaa kursiga loo diidan yahay Xil. Abdifatax Mohamed Ali |
The post Shaqsiyaadka uu Axmed Madoobe la doonayo inay kusoo baxaan Kuraasta la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/shaqsiyaadka-uu-axmed-madoobe-la-doonayo-inay-kusoo-baxaan-kuraasta-la-shaaciyey/
0 Comments