Nin isku qarxiyay Aabihiis iyo Hooyadiis iyo wararkii ugu dambeeyey

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in habeenimadii Talaadada ismaamulka Kisumu ee galbeedka dalkaasi uu ka dhacay qarax xoogan oo ahaa mid is-miidaamin ah, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Booliska ayaa laga soo xigtay in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof oo uu ku jiro is-miidaamiyihii fuliyey weerarkaas, waxaana sidoo kale ku dhaawacantay gabar yar.

Labada qof ee dhimatay ayaa kala ahaa nin iyo xaaskiisa, sida uu warbaahinta maxalliga ah u sheegay taliyaha booliska ismaamulka Kisumu Karanja Muiuri ee galbeedka daka Kenya.

Sidoo kale laamaha ammaanka ee waddanka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ninka is qarxiyey lagu magacaabi jiray Joseph Odhiambo Ondiek oo loo yaqaanay Pope, waxaana wararku intaasi ku daraya in labada qof ee uu qaraxa ku dilay ay ahaayeen Aabihiis iyo Hooyadiisa, halka gabadha yar ay dhaawacantay ay tahay walaashiis ka yar.

Ka hor inta uusan is qarxin Pope ayaa sidoo kale la sheegay inuu su’aallo kooban weydiiyey qoyskiisa, kadibna uu fuliyey weerarka uu ku beegsaday waalidiintiisa.

Is-miidaamiyaha fuliyey weerarkan oo da’diisa ay aheyd 44 ayaa looga shakisan yahay inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, isla-markaana uu tababar ku soo qaatay Soomaaliya

“Waxaan isku dayeynaa inaan xaqiijino halka uu ku sugnaa bilihii lasoo dhaafay, tani waa mid dhab ah, waana ku daba jirnaa,” ayuu yiri taliyaha booliska ee Kisumu Karanja.

Si kastaba Booliska Kenya oo weerarkan ku tilmaamay fal argagixiso ah ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi dhalisay dhimashada iyo dhaawaca.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

The post Nin isku qarxiyay Aabihiis iyo Hooyadiis iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/nin-isku-qarxiyay-aabihiis-iyo-hooyadiis-iyo-wararkii-ugu-dambeeyey/

Post a Comment

0 Comments