Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa eedeyn u culus u jeediyey dowladda, taas oo la xiriirta xaalada gobolka Gedo.
Sayid Aadan ayaa shaaca ka qaaday in dowladda dhexe ay siyaasadeysay gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan degmooyinka iyo deegaanada hoostaga gobolkaas.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Gedo ay kasoo horjeedaan in Jubbaland ay gurmad gaarsiiso dadkaasi, sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in hay’adaha samafalka Jubbaland laga hor istaago Gedo oo ay abaaro ka jiraan.
“Gedo waxaa ka jira ciidan si sharci darro ah ugu afduuban, in wax laga qabtana dhib ayay keenaysaa, sababtoo ah cid kaste oo wax qaban lahayd, wajiyo kale ayay u sameeyeen,” ayuu wareysiga ku yiri madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan la joogo xilligii loo gurman lahaa dadka dhibaateysay, isla-markaana ay tahay in la kala saaro siyaasadda iyo bani’aadanimada.
Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan abaaraha baahsan ay ka jiraan deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, taas oo saameyn daran oo nolosha ah ku yeelatay dadka iyo duunyada ku dhaqan gobolladaasi.
The post Xiisadda DF iyo Jubbaland ee GEDO oo dib usoo laba kacleysay – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/xiisadda-df-iyo-jubbaland-ee-gedo-oo-dib-usoo-laba-kacleysay-maxaa-soo-kordhay/
0 Comments