Qarax ka dhacay Muqdisho iyo khasaare ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno gudaha degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir waxaa maanta Wadada Ceelqalow ee laamiga isku xira Isgoysyada Dan-Wadaagaha iyo Soobe ka dhacay qarax nooca miinada ah.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday Ciidamo ku sugnaa agagaarka Ceelqalow, kuwaasi oo kamid ah kuwa dowladda Hoose ee Xamar ee lacagta canshuurta uga qaada Bajaajta.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxa ay ku dhaawacmeen Saddex kamid ah askarta lala eegtay, oo dhaawacooda loo qaaday mid kamid ah Isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho, oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.

Illaa hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa miino ee lala eegtay ciidamada ka tirsan dowladda Hoose ee Xamar, hase yeeshe waxaa qaraxyada noocan ah inta badan fulisay kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday qaraxyada miinada iyo kuwa jaakada ee qofka naftii haligaha isku soo xiro, waxayna inta badan beegsata ciidamada, madaxda dowladda Soomaaliya iyo cid walba oo lug ku leh.

The post Qarax ka dhacay Muqdisho iyo khasaare ka dhashay appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/qarax-ka-dhacay-muqdisho-iyo-khasaare-ka-dhashay/

Post a Comment

0 Comments