Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada badda ee Galmudug ee ka howl-galka degmada Hobyo ayaa gacanta ku soo dhigay markab kalluumeysi oo si sharci darro uga jalaabanayey xeebaha maamulkaasi, gaar ahaan dhinaca xeebta Hobyo ee gobolka Mudug.
Wararka ayaa sheegaya in markabka la qabtay uu sitay Calanka Shiinaha, isla-markaana la keenay dekedda Hobyo ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.
Taliyaha ilaalada xeebaha Hobyo, Cabdiraxmaan Cali Dbiblaawe oo la hadlay wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday inay haatan hayaan markabka iyo dhammaan shaqaalihii la socday.
Dhiblaawe ayaa sidoo kale xaqiijiyey in shaqaalaha markabka ay yihiin illaa 17 qof oo u kala dhashay wadamada Shiinaha, Indonesia iyo Hindiya.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in muddo ku raadjoogeen markabkan oo si sharci darro ah u kalluumeysanayey, isla-markaana ay ka qaadi doonaan tallaabo adag.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda ka dhanka ah maraakiibta shisheeye ee ka kallumeysata xeebaha maamulkaasi.
Si kastaba, tallaabada ay qaaday dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa ku soo aadeysa, xilli maalmihii u dambeeyey kalluumeysatada Soomaalida ay ka cabanayeen maraakiib waa weyn oo si sharci darro ah uga kalluumeysata xeebaha dalka Soomaaliya.
The post GALMUDUG oo gacanta ku dhigtay markab Shiinaha laga leeyahay oo ku sugnaa xeebta magaalada Hobyo appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/galmudug-oo-gacanta-ku-dhigtay-markab-shiinaha-laga-leeyahay-oo-ku-sugnaa-xeebta-magaalada-hobyo/
0 Comments