GALMUDUG oo billowday diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta Golaha Shacabka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashada ee heer dowlad goboleed Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ee u tartamaya shanta kursi ee uu dhowaan liiskooda guddigu soo saaray.

Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) ayaa noqday musharixii ugu horreeyey ee buuxiya shuruudaha lasoo bandhigay, isla-markaana qaatay shahadaada musharaxnimadiisa.

Musharrax Dhagey ayaa dhowan iska casilay kursigii Aqalka Sare ee horay loogu soo doortay, wuxuuna haatan doonayaa inuu tartamo kuriga Golaha Shacabka ee HOP#026.

Sidoo kale musharraxa ayaa uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay ugu adeegeen xubnaha guddiga doorashada ee maamulka Galmudug.

Diiwaan-gelinta aya haatan sii soconeyso, iyada oo lagu wado inay xarunta guddiga tegaan xubnaha kale oo u sharraxan shanta kursi ee ay doorashadeeda qabaneyso Galmudug.

Haddii ay Galmudug guda gasho qabashada doorashada kuraastan, waxay noqon doontaa maamul goboleedkii ugu horreeyey ee bilaaba doorashada Golaha Shacabka, waxaana kusoo xigi doona Koonfur Galbeed oo shaacisay qabashada doorashada illaa 11 kursi.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan ah billow, waxaana labadii xubnood ugu horreysay oo ka soo baxday gobollada waqooyi lagu doortay magaalada Muqdisho.

The post GALMUDUG oo billowday diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta Golaha Shacabka appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/galmudug-oo-billowday-diiwaan-gelinta-musharixiinta-golaha-shacabka/

Post a Comment

0 Comments