Muqdisho ( Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim oo ku taalla degmada Hodan, waxaana jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay halkaasi.
Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay oo u badan shacab marayay wadada uu qaraxu ka dhacay.
Faah faahinta kala soco: Caasimada.net
The post DEG DEG: Qarax goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/deg-deg-qarax-goor-dhow-ka-dhacay-magaalada-muqdisho-2/
0 Comments