Wararkii ugu dambeeyey tahriibayaal lagu laayey dalka Liibiya

Tripoli (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay rasaas lagu furay dad tahriibayaal ah oo ku jiray xero ku taalla gudaha dalka Liibiya, waxaana ka dhashay rasaastaasi khasaare kala duwan oo dhimasho & dhaawac leh.

Muhaajiriinta la rasaaseyey ayaa kasoo jeeda dalal kala duwan, waxaana la sheegay inay isku dayeen inay ka baxsadaan xeradii lagu hayey, taas oo keentay inay rasaaseeyaan ciidamadii ilaalada ka hayey goobtaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qalalaasahaasi ku dhintay ugu yaraan lix ka mid ah tahriibiyaashii baxsanayey, halka ay dhaawacmeen tiro kale oo intaasi kusii badan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in sidoo kale qaar kale oo ka mid ah tahriibayaasha ee isku dayey inay baxsadaan dib loogu soo celiyey xerada ay shaqaaqadu ka dhacday.

Sarkaal ka tirsan QM oo ka hadlay dhadcdadaasi ayaa shaaciyey inay haatan wadaan baaritaano ku aadan dalalka kasoo jeedaan muhaajiriinta dhintay & kuwa dhaawaca ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay si dhaw ula socon doonaan xaaladda dadka waxyeellada soo gaartay, si ay helaan daryeel caafimaad oo dhammeystiran.

Liibiya ayaa waxaa ku sugan muhaajiriin ka tegay dalal kala duwan oo ay Soomaaliya ka mid ah, waxaana dalkaas ku heysta xaalado adag oo dhanka bani’aadanimada ah.

The post Wararkii ugu dambeeyey tahriibayaal lagu laayey dalka Liibiya appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/wararkii-ugu-dambeeyey-tahriibayaal-lagu-laayey-dalka-liibiya/

Post a Comment

0 Comments