Guriceel (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa lagu wadaa in dhowaan uu la hadlo wariyeyaasha, isaga oo ka warbixin doono dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Qoor Qoor ayaa sidoo kale shaacin doono mowqifka Galmudug ee ku aadan Guriceel oo maalintii afaraad uu ka socdo dagaal u dhexeeyo ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna.
“Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa dhawaan ka hadli doona xaaladda degmada Guriceel iyo mowqifka Galmudug,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo maanta ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.
Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa horay u qaatay go’aanka dagaalka ee lagu wajahay xoogaga Ahlu Sunna, kaas oo illaa iyo hadda ka socda bartamaha Guriceel.
Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaaladaasi ayaa sheegaya in maanta xaaladda ay yara dagan tahay, waxaase weli is horfadhiya ciidamada labada dhinac dagaalamaya.
Ahlu Sunna ayaa ku sugan aagga Jaamacadda, halkaas oo ay dhufeyso uga jiraan xoogageeda, halka ay ciidanka dowlada ay ku sugan yihiin waqooyiga magaalada.
Ma jirto illaa iyo hadda xabad joojin ay gaareen labada dhinac, waxayna haatan ay wadaan is-uruursi iyo abaabul xoogan oo ku aadan dagaalkaasi.
Si kastaba, dagaalka Guriceel ayaa sababay dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac, waxaana qoysaskii ku noollaa halkaasi ay ku dhibaateysan yihiin duleedka magaaladaasi.
The post Wararkii ugu dambeeyey ee GURICEEL iyo Qoor Qoor oo… appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/mowqifka-galmudug-iyo-wararkii-ugu-dambeeyey-ee-dagaalka-guriceel/
0 Comments