Waa sidee saaka xaaladda magaalada Guriceel?

Guriceel (Caasimada Online) – Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa weli ka taagan xiisad dagaal oo u dhexeyso ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa dowladda iyo xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca oo weli isku horfadhiyo magaaladaasi.

Labada dhinac ayaa haatan wada is uruursi iyo baabul xoogan, waxayna ku kala sugan yihiin koonfurta iyo waqooyiga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in xaafadaha qaar laga maqlayo rasaas teel teel ah oo ay is-weydaarsanayaa ciidamada labada dhinac ee ku dagaalamay ee halkaasi.

Galmudug oo dhankeeda ka hadashay dagaalkan, waxay ka sheegatay guullo, inkastoo saraakiil ciidan iyo askar badan ay ku dhinteen dagaalkii shalay ka dhacay Guriceel.

Dhimashada ayaa kor u dhaafeyso illaa 20 ruux oo u badan dhinacyadii shalay dagaalamay, waxaana jira dhaawac kale oo intaasi kasii badan.

Dhinaca kale magaalada ayaa haawaneysa, waxaana xiran goobaha ganacsiga iyo sidoo kale waxbarashada, iyada oo inta badan qoysaskii daganaa halkaas ay barakaceen.

Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa inuu markale dib u qarxo dagaalka, maadaama labada ciidan ee is horfadhiya ay haatan wadaan dhaq-dhaqaaqyo aad u culus.

Guriceel oo ah magaallo ganacsi ayaa xudun u noqotay xiisadda ka taagan gobolka Galgaduud ee u dhexeyso Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowlad goboleedka Galmudug.

The post Waa sidee saaka xaaladda magaalada Guriceel? appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/waa-sidee-saaka-xaaladda-magaalada-guriceel/

Post a Comment

0 Comments