Sheekh Shaakir oo ‘loo qabtay inuu saacado gudahood uga baxo’ GURICEEL

Guriceel (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Guriceel ayaa weli kacsan, waxaana saka dib uga qarxay dagaal culus oo u dhexeeyo ciidanka Galmudug oo kaashanaya, kuwa dowladda iyo xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca oo dhinac ah, kaas oo hada yara qaboobay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu saaka ka dhacay dhanka Jaamacadda, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada daacada u ah hoggaanka sare Ahlu Sunna.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in dagaalkan ay barbar socotay duqeyn xoogan oo lala beegsaday xaafadaha ay ku sugan yihiin xoogaga Ahlu Sunna

Dhinaca kale warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ay aqbaleen in fursad la siiyo hoggaanka Ahlu Sunna iyo ciidamadooda, si ay uga baxaan gudaha magaalada, isla-markaana loo furo waddo ay uga baxaan magaalada.

Ujeedka loo sameynayo sidaasi ayaa lagu sheegay inay tahay la siiyo Ahlu Sunna fursad ay dhaawacyada illaa shalay yaalay iyo Meydka ku qaataan, sida ay warisay warbaahinta qaranka.

Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in muddo laba saacadood oo kaliya loo qabtay Sheekh Maxamed Shaakir inuu uga baxo magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

“Labo saacadood ayaa la siiyey Sheikh Shaakir in uu Guriceel uga baxo, kadib dalabkiisa taasi oo ku eg lixda Duhurnimo,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Guriceel ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay dagaallo lagu hoobtay oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.

The post Sheekh Shaakir oo ‘loo qabtay inuu saacado gudahood uga baxo’ GURICEEL appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/sheekh-shaakir-oo-loo-qabtay-inuu-saacado-gudahood-uga-baxo-guriceel/

Post a Comment

0 Comments