Ra’iisul ROOBLE oo ku sii jeeda degmada Baraawe + ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Roobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ku sii jeeda magaalada Baraawe ee caasimada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in saaka madaxweynaha Koonfur Galbeed uu isna gaaray Baraawe, si uu magaallo xeebeedkaas ugu soo dhoweeyo Rooble.

Ujeedka socdaalka ra’iisul wasaaraha ee Baraawe ayaa waxaa lagu sheegay inuu la xariiro u kuur-gelida xaaladaha magaaladaasi, maadaama ay ka mid tahay magaalooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka golaha shacabka oo dhowaan bilaabanaya.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay Baraawe iyo deegaanada ku xeeran, si loo xoojiyo amniga magaaladaasi.

Shalay sidoo kale Baraawe waxaa gaaray wafdi kale oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle oo gogol xaar u ah safarka Rooble ee magaaladaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa horey u booqday gobolka Shabeelaha Hoose, isaga oo kormeer ku sameeyey xeryaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla gobolkaasi.

Si kastaba, Rooble ayaa haatan dadaal xoogan ku bixinaya qabsoomida doorashooyinka billowday ee dalka, waxaana gaba-gaba maraya doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya.

The post Ra’iisul ROOBLE oo ku sii jeeda degmada Baraawe + ujeedka appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/raiisul-rooble-oo-ku-sii-jeeda-degmada-baraawe-ujeedka/

Post a Comment

0 Comments