AMISOM oo si kulul uga jawaabtay eedeyntii Ahlu Sunna Waljamaaca

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada AMISOM ayaa si rasmi ah ugu jawaabay hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca oo dhowaan ku eedeeyey inay ka qeyb-qaateen dagaalladii cuslaa ee ka dhacay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

AMISOM ayaa marka hore waxba kama jiraan ku tilmaamtay eedeynta kasoo yeertay Ahlu Sunna Waljamaaca, iyada oo beenisay in ciidamadeeda ka dagaalameen Guriceel.

Sidoo kale AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka eedeyntaas au tahay mid lagu doonayo in la’isaga horkeeno ciidamada AMISOM iyo bulshada Soomaaliyeed

“Howlgalada AMISOM oo ay ku jiraan hawlgalada Milatari iyo taageerada Ciidanka dowladda, waxaa haga waajibaadka ay bixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana wax lagu fuliyaa in si adag loo dhawraa howlgalada iyo Xeerarka Hawlgelinta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in AMISOM ay Soomaaliya u joogto kaliya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayna caawiyaan ciidanka dowladda.

Ugu dambeyn taliska AMISOM ayaa xusay inay sii xoojin doonaa waajibaadka loo igmaday, isla-markaana ay ka shaqeynayaa ammmaanka Dhuusamareeb & doorashada ka dhaceysa.

Hadalkan kasoo yeeray AMISOM ayaa kusoo aadaya, iyada Ahlu Sunna oo haatan isaga baxday Guriceel ay ku eedeysay ciidamada Midowga Afrika inay taagaareen ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda, isla-markaana ay siiyeen hub badan iyo gaadiid dagaal.

The post AMISOM oo si kulul uga jawaabtay eedeyntii Ahlu Sunna Waljamaaca appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/amisom-oo-si-kulul-uga-jawaabtay-eedeyntii-ahlu-sunna-waljamaaca/

Post a Comment

0 Comments