Taliyihii uu magacaabay Farmaajo oo la wareegay hay’adda NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha uu sida KMG ah xalay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ugu magacaabay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud ayaa maanta xilka kala wareegay Fahad Yaasiin, kadib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta taliska guud.

Qoraal lagu taabacay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in Yaasiin uu si rasmi ah xilka ula wareegay, isaga oo la faray inuu guto waajibaadka shaqo ee igmaday.

“Waxaa Taliska Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka ka dhacday munaasibad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee HSNQ, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud,” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee kasoo baxay taliska NISA.

Sidoo kale warka qoraalka ah ayaa lagu yiri “Waxaan Alle uga rejaynaynaa in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee uu Madaxweynaha JFS u igmaday,”

Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii uu xalay Farmaajo sameeyey magacaabis deg deg, kadib wareegta uu xalay soo saaray, waxaana Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi si KMG ah loogu dhiibay NISA, halka Fahad Yaasiin loo magacaabay la-taliyaha amniga qaranka.

Ninka haatan la wareegay NISA ayaa horey u ahaa taliyaha nabad sugida ee gobolka Banaadir ‘wuxuuna ka mid yahay’ shaqsiyaadka lagu eedeynayo kiiska Ikraan Tahliil.

Si kastaba talaabadan ayaa uga sii dareysa xiisada u dhexeysa ra’iisul Rooble iyo Farmaajo, maadaama ra’iisul wasaaraha uu dhankiisa taliyaha NISA u magacaabay Bashiir Goobe.

The post Taliyihii uu magacaabay Farmaajo oo la wareegay hay’adda NISA appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/taliyihii-uu-magacaabay-farmaajo-oo-la-wareegay-hayadda-nisa/

Post a Comment

0 Comments