Puntland oo war cusub kasoo saartay shirka madax goboleedyada ee Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhamancad ayaa ka warbixiyey shirka gaarka ah ee la filayo in madax goboleedyada ay ku yeeshaan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Dhabancad ayaa shaaca ka qaaday in shirkan uu furmi maalinta Talaadada uu yahay mid ay hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada  uga hadlaan iskaashiga dhexdooda, wuxuuna meesha ka saaray in diiradda lagu saarayo arrimaha doorashooyinka bilowday ee dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shirka doorashooyinka ee golaha wada-tashiga qaran uu kaliya u yeeri karo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in shirkan uu ka duwan yahay shirarkii hore, isla-markaana uu yahay mid Dastuuri ah.

“Ra’iisul wasaaraha ayaa u wici kara qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, Kan dawlad Goboleedyadu waa ka duwan yahay waana Dastuuri” ayuu yiri Dhabancad.

Furitaanka shirkan oo isha lagu wada hayo ayaa kusoo aadayo, xilli ay dalka ka taagan tahay xiisad u dhexeyso madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday & ra’iisul wasaaraha.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso xaalad adag, iyada oo lagu kala guur iyo sidoo kale marxalad doorasho intaba.

The post Puntland oo war cusub kasoo saartay shirka madax goboleedyada ee Garoowe appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/puntland-oo-war-cusub-kasoo-saartay-shirka-madax-goboleedyada-ee-garoowe/

Post a Comment

0 Comments