Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha midowga musharixiinta mucaaradka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisadda xoogan ee haatan ka taagan Villa Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka 2021-ka.
Ugu horrey golaha ayaa garab istaag u muujiyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, iyaga oo shaaciyey inay ku garab taagan yihiin qabashada doorashooyinka dalka ee 2021-ka.
Golaha ayaa qoraalkan ku soo koobay lix qodob oo ay uga hadleen doorashooyinka dalka & khilaafka u dhexeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday & Ra’iisul wasaaraha.
Qodobada ayaa waxaa ka mid ah:-
1-Wuxuu ku dhiirragelinayaa ra’iisul wasaaraha in uu darda geliyo howlaha doorashooyinka, gacanta ku dhigo amniga dalka, marna uusan gor-gortan ka gelin heshiiskii 27 May.
2-Wuxuu ku boorinayaa golaha wada-tashiga qaran in la dadajiyo howlaha doorashooyinka, loona fududeeyo sida ugu sahlan ee ay degdeg ugu qabsoomi karto.
3-Wuxuu ku adkeynayaa in ciidanka qalabka sida in aysan siyaasadda ku milmin, kuna garab istaagaan golaha wada-tashiga qaran sidii dalka uga dhici laheyd doorasho.
4-Wuxuu ugu baaqayaa beesha caalamka inay golaha wada-tasha qaran ku gacan siiyaan degdeg ku qabsoomida doorashada.
5-Wuxuu indhaha ku hayaa dhaq-dhaqaaqa ciidan iyo shirqoolka ay maleegayaan madaxweynaha xilkiisa dhammaaday iyo agaasimihii hore ee hay’adda NISA, si ay u carqaladeeyaan howlaha doorashooyinka, una abuuraan xasilooni darro & qal-qal amni.
6-Wuxuu dalbanayaa cadaalad u helista Ikraan Tahliil iyo ehelkeeda, wuxuuna ku baaqayaa in hay’adaha garsoorka loo daayo kiiska.
Halkan hoose ka aqriso:-


The post Musharixiinta oo lix qodob ka soo saaray xiisadda taagan iyo doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/golaha-midowga-musharixiinta-oo-lix-qodob-kasoo-saaray-xiisadda-taagan/
0 Comments