Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad ay leedahay shirkadda Turkish Airlines ayaa maanta kasoo degtay magaalada Muqdisho, taas oo shalay dib uga laabtay dalka Jabuuti.
Diyaaradda oo kasoo duushay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa goor sii horreysay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in diyaaraddan uusan la socon la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, balse ay keentay rakaab isugu jiro kuwa shalay iyo kuwa cusub.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Fahad Yaasiin uu soo qaadan doono diyaarad qaas ah, taas oo ah mid kiro ah, si u soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Arrimahan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya ay sii xoogeysatay, taas oo ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.
Fahad Yaasiin ayaa qorshuhu yahay inuu magaalada Muqdisho uga qeyb-galo shirka golaha amniga qaranka ee uu iclaamiyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, si uu ugu soo bandhigo warbixinta rasmiga ah ee la xiriirta kiiska dilka ah Ikraan Tahliil Faarax.
Shalay ayey aheyd markii diyaaraddii sidday Fahad Yaasiin ay ka noqotay dalka Jabuuti, iyada oo ay Villa Soomaaliya ay dowladda Jabuuti ku eedeysay inay xanibtay Fahad Yaasiin, walow wasiiro ka tirsan Jabuuti oo ka hadlay dhacdadaas ay iska fogeeyeen eedeyntaasi.
The post Diyaarada Turkish Airlines oo kasoo degtay Muqdisho iyo Fahad Yaasiin.. appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/diyaaradda-ay-leedahay-turkish-airlines-oo-kasoo-degtay-muqdisho-iyo-faahad-yaasiin/
0 Comments