DEG DEG: Baarlamanka Galmudug oo doortay saddexdii Senator ee ugu horreeyey ee Aqalka Sare

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Baarlamanka Galmudug ayaa goordhow doortay saddexdii senator ee ugu horreeyey ee maamulkaas ku matalaya Aqalka Sare ee baarlamanka ee 11-aad ee Soomaaliya.

Saciid Siyaad Shirwac ayaa helay 87 ka mid ah codadka xildhibaanada kadib markii musharaxii la tartamayey Maxamed Daahir Maxamed uu tanaasulay. Waxaa diiday laba xildhibaan, mana jirin cid ka aamustay, ayada oo 89 xildhibaan ay codeeyeen.

Kursiga koowaad ee uu ku guuleystay Saciid Siyaad ayaa waxaa hadda ku fadhiya guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, waxaana leh beesha Saleebaan ee Habargidir.

Waxaa sidoo kale kursiga labaad loo doortay Senator Yuusuf Geelle Ugaas oo kursigan hadda ku fadhiya, wuxuuna helay 87 codad, ayada oo mid uu diiday midna uu ka aamusay. Waxaa tanaasulay Daahir Faarax Fiidow oo la tartamayey.

Kursiga saddexaad ayaa waxaa loo doortay Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer oo kamid ahaa musharaxiintii uu dhawaan liiskooda soo saaray madaxweyne Qoor Qoor

Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka socota Dhuusomareeb, ayaa la filayaa in lagu doorto shan kursi oo kale, oo ka harsan lixda kursi ee uu madaxweyne Qoor Qoor ku dhowaaqay musharaxiintooda.  

Galmudug ayaa noqoneysa maamulkii afaraad ee qabta doorashada Aqalka Sare kadib Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland, waxaana hadda harsan kaliya HirShabeelle.

The post DEG DEG: Baarlamanka Galmudug oo doortay saddexdii Senator ee ugu horreeyey ee Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/deg-deg-baarlamanka-galmudug-oo-doortay-saddexdii-senator-ee-ugu-horreeyey-ee-aqalka-sare/

Post a Comment

0 Comments