Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada heer Federaal ee Maamulka Jubbaland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday iney 25 bishaan qaba karaan doorashada Senatarada Aqalka Sare ku matalaya dowlad goboleedka Jubbaland.
Qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Jubbaland ayaa lagu cadeeyay iney diyaar u yihiin qabashada doorashada Aqalka Sare.
Guddiga ayaa Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ka codsaday inay magacabaan guddi kala shaqeeyo sidii loo qaban lahaa doorashada.
Sidoo kale, Guddiga ayaa musharixiinta doonayo inay u tartamaan aqalka sare ka codsaday inay u diyaar garoobaan doorashada.
Halkaan hoose ka akhriso qodobada ay soo saareyn guddiga
1) In guddiga higelinta doorashada heer dowlad Goboleed ee Jubaland uu diyaar u yahay qabashada doorashada Xildhibaanada Aqalka sare mudadii loo qorsheeyey ee aheyd 25 July 2021
2) Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad Goboleed waxay guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ka codsanayaan inay magacaabaan guddi doorasho heer Baarlamaan ee guddiga hirgelinta doorashada kala shaqeeyo qabashada doorashada xubnaha Aqalka Sare
3) Dhammaan musharixiinta doonayo inay u tartamaan kuraasta Aqalka Sare inay isku diyaariyaan doorashada.
4) Guddiga wuxuu ka codsanayaa dowladda Jubbaland inay u diyaar garowdo sugidda Amniga Doorashada
5) Guddiga wuxuu sida ugu dhaqsiyaha badan usoo saari doonaan jadwalka fulinta doorashada Aqalka Sare oo faahfaahsan.

The post Jubbaland oo go’aan kasoo saartay doorashada aqalka sare ee la filayo inay dhacdo 25 July appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/jubbaland-oo-goaan-kasoo-saartay-doorashada-aqalka-sare-ee-la-filayo-inay-dhacdo-25-july/
0 Comments