IMAARAADKA oo war kasoo saaray kulan dhex-maray Xasan Sheekh iyo safiir Al-Cusmaani

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka hadashay kulan maanta magaalada Muqdisho ay ku yeeshen Safiirkeeda u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Al-Cusmaani iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraalka kooban oo kasoo baxay Safaaradda Imaaraadka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynihii hore uu Danjire Maxamed Axmed Al-Cusmaani la wadaagay mahadnaq ku aadan kaalinta uu Imaaraadka ka qaatay dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa dowladda Imaaraadka ku bogaadiyey dadaalka ay ku bixineyso dib-u-dhiska Soomaaliya, isagoona xoojiyey xiriirka labada dal iyo xiriirka shacab ee soo jireenka ah.

“Waxa uu la kulmay Mudane Danjire Maxamed Axmed Al-Cusmaani , Danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo asagu mahad-naq iyo bogaadin ugu jeediyay dowladda Imaaraadka kaalinteeda taageerada dib-u-dhiska Soomaaliya, wuxuuna xoojiyey xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo shacabka walaalaha ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa kamid ahaa dowladihii sida adag uga horyimid muddo kororsigii fashilmay ee gadaal ka riixeysay Villa Somalia, wuxuuna hormuud u ahaa wadamo si adag u cambaareeyay falal amni daro oo kal hore ka dhacay caasimada dalka, kuwaasi oo ka dhashay khilaafkii doorashada.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa muddooyinkii dambe mad-madow badan ka jiray, ayada oo dhowr jeer ay dowladda federaalka si adag uga hortimid qoraalo kasoo baxay Imaaraadka oo ku aadana xaalada dalka.

The post IMAARAADKA oo war kasoo saaray kulan dhex-maray Xasan Sheekh iyo safiir Al-Cusmaani appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/imaaraadka-oo-war-kasoo-saaray-kulan-dhex-maray-xasan-sheekh-iyo-maxamed-al-xammadi/

Post a Comment

0 Comments