DEG DEG: Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa goordhowey ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan maqaaxi lagu shaaho oo ku taalla isgoyska Jubba.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Qaraxa ayaa waxaa fuliyay qof xiran suunka qaraxa loo adeegsado, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa dad badan, maadama uu ka dhacay maqaayad ku taalla isgoys mashquul badan, sida ay dad goobjoog ah u sheegen Caasimada Online

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga xadiga khasaaraha marka laga soo tago inuu sababay dhimasho iyo dhaawac qaraxaas.

Wixii faah-faahina isha ku hay Caasimada Online

The post DEG DEG: Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/deg-deg-qarax-xoogan-oo-ka-dhacay-magaalada-muqdisho-4/

Post a Comment

0 Comments