DEG DEG: Madaxweynihii dalka Haiti oo la khaarajiyey

Port-au-Prince (Caasimada Online) – Madaxweynihii dalka Haiti Jovenel Moise ayaa la dilay goordhow, waxaa sidaas goordhow sheegay ra’iisul wasaaraha ku-meel gaarka ah ee dalkaas.

Jovonel Moïse ayaa lagu dhex-dilay guri khaas ah oo uu degan yahay, abaare 1:00 am xilliga Haiti, waxaana dilka fuliuyey koox hubeysan, sida uu sheegay ra’iisul waaare Claude Joseph oo war-saxaafadeed soo saaray..

Josep ma uusan shaacin waxa ay ahaayeen kooxdaas, hase yeeshee wuxuu sheegay inay ku hadlayeen luuqadda Spanish-ka. 

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale lagu dhaawacay marwada koowaad, sida bayaanka lagu sheegay.

Naga filo faah-faahin goordhow Insha Allah. 

 

The post DEG DEG: Madaxweynihii dalka Haiti oo la khaarajiyey appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/deg-deg-madaxweynihii-dalka-haiti-oo-la-khaarajiyey/

Post a Comment

0 Comments