Hobyo (Caasimada Online) – War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa looga hadlay howl-gal ay dagaalyahanadooda ka fuliyeen duleedka magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, halkaas oo ay isaga soo baxeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa shaacisay inay si nabadoon kula wareegtay deegaanka Dhaghaye oo ka tirsan magaalada xeebeedka Hobyo, sida ay ku baahisay baraha bulshada ee Internetka.
Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in wax dagaal ah uusan ka dhicin halkaasi, isla-markaana ay haatan maamulayaan deegaanka Dhaghaye ee gobolka Mudug.
Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in xoogaga Al-Shabaab ay fariisimo cusub ka sameysteen deegaankaasi, isla-markaana ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo xoogan.
Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Galmudug iyo kuwa Xoogga dalka ee ka howl-gala gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.
Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in dagaal rogaal celis ah ay qaadeen ciidamada dowladda.
La wareegitaanka deegaankan ‘gacanta u galay’ Al-Shabaab ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyey dhaq-dhaqaaqyo culus ay ka jireen deegaanada Galmudug.
Si kataba, kooxda Al-Shabaab ayaa weli dagaallo iyo howl-gallo ka fuliso gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.
The post Al-Shabaab oo shaacisay inay la wareegtay deegaan hoostaga HOBYO appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/al-shabaab-oo-shaacisay-inay-la-wareegtay-deegaan-hoostaga-hobyo/
0 Comments