Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho, gaar ahaan xerada General Dhaga Badan oo ku taalla Ex Warshaddii Nac-Naca ee degmada Wadajir.
Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qaraxa, kaas oo beegsaday dhalinyaro loo diyaarinayey ciidanimo, si loogu tababaro xeradaasi.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee xerada, xilli ay saf ku jireen askarta cusub.
Wararka ayaa sheegaya in khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxaasi, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo askarta ay waxyeelada soo gaartay.
Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo xerada oo isku geedaamay, isla-markaana wada baaritaano dheeraad ah.
Wixii soo kordha kala soco: caasimada.net
ururka 9-aad gorgor afaafka hore
gaari amsim
ciidan
The post War Deg Deg: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay xero ku taalla Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/deg-deg-qarax-is-miidaamin-ah-oo-ka-dhacay-xero-ku-taalla-muqdisho/
0 Comments