Muqdisho (Caasimada Online)- In ka badan 100 arday oo dhamaystay waxbarashada heerka labaad ayaa maanta ka qalin jabisay Jaamacadda Hormuud oo kaashaneysa Jaamacadda Lincoln University College ee dalka Malaysia.
Xafladda qalin jabinta oo ka dhacday Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb galay aqoonyahanno ka socdo Jaamacadaha kala duwan ee dalka.
Ardayda qalin jabisay ayaa waxaa intii ay socotay xafladda a guddoon siiyey shahaadooyinka qalin jabinta, waxaana wajiyadooda ka muuqatay farxad.
Jaamacadda Hormuud waxay Program-kaan bilawday bishii February sanadkii 2014 waxaana ka qalin jabiyay in ka badan 900 oo arday oo fursadaan waxbarashada ka faa’ideystay iyagoo ku sugan gudaha Soomaaliya.

The post SAWIRRO: In ka badan 100 arday oo ka qalin-jebisay Jaamacadda HORMUUD appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/sawirro-in-ka-badan-100-arday-oo-ka-qalin-jebisay-jaamacadda-hormuud/
0 Comments