Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) ayaa ka hadlay xaaladda dhaqaalaha dalka, maadaama lagu jiro, xilli kala guur ah iyo sidoo kale marxalad doorashooyin ah.
Bayle ayaa shaaca ka qaaday in beesha caalamka ay jaratay dhammaan lacagihii lagu kabi jiray miisaaniyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Wasiirka ayaa arrintan u sababeeyey, xilliga kala guurka ah ee haatan lagu jiro, wuxuuna tilmaamay in mar walbo oo ay lix bilood ka harsan tahay doorashada la gooyo dhaqaalaha.
Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray in wax iska caadi ah ay tahay arrintani, isla-markaana dhaqaalaha beesha caalamka, dib loo soo fasaxo markii la doorto dowlad cusub.
Dhinaca kale wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in socdaan mashaariicda kala duwan ee ay beesha caalamka ka wado gudaha Soomaaloay, isla-markaana aysan saameyn dhaqaalaha la jaray ee lasiin jiray dowladda federaalka ah.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan loo diyaar garoobayo doorashooyinka Soomaaliya oo shalay lasoo saaray jadwalka lagu wajahayo qabsoomideeda.
Soomaaliya ayaa beesha caalamka ka hesha taageero maaliyadeed oo xoog-leh, taas oo lagu kabo miisaaniyad dowladda, isla-markaana wax ka tarta dhaqaalaha dalka.
The post DF oo shaacisay sababta looga jaray dhaqaalaha beesha caalamka appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/df-oo-shaacisay-sababta-looga-jaray-dhaqaalaha-beesha-caalamka/
0 Comments