Abiy Axmed: Geeri ayaan ka xigaa in aan xukunka wareejiyo

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed oo kulan gaar ah lalahaa hoggaanka sare ee xisbigiisa Prosperity Party ayaa laga duubay cod halis ah, kaas oo uu kaga hadlay mustaqbalkiisa hoggaamineed ee wadanaakasi Itoobiya.

Abiy ayaa codka laga duubay ku sheegay in doorashada soo socota ee dhaceysa 21-ka bishan in isaga iyo xisbigiisa ay ku guuleysan doonaan, haddii kale uu dhiig daadan doono.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in aysan jirin cid dhisi karta xukuumad illaa 10-sano ee soo socoto, isaguna uu sii joogi doono xafiiska.

“Waxaan dareemeynaa xaqiiq la xiriirta welwel badan oo nooga imaanaya siyaasiyiin, kooxo kala duwan iyo warbaahinta kuwaas oo doorashada u galaya si ay xukunka u qabsadaan, aadna u doonaya, meel kasta ayey joogaan, waa dhow yihiin, waana fog yihiin,” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Ma jirto cid dhisi karta xukuumad 10-ka sano ee soo socota, geeri ayaan ka xigaa in aan maamul ku wareejiyo”.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale wuxuu muujinayaa inuu ku shuban doono doorashada ka dhaceysa Itoobiya, isaga oo boggaadiyey kooxda ka shaqeyneysa.

“Doorashada waa ay dhaceysaa, kooxda aan sameynay shaqo adag ayey qabteen, waxaa dhici  doona dhimasho iyo dhiig , sida ay doonto ha ahaatee, shaki iigama jiro inaan ku guuleysannay doorashada, weliba qaab sahlan,” ayuu markale yiri Abiy Axmed.

Codkan oo halis weyn ku ah dimuqaaraadiyadda dalka Itoobiya ayaa si weyn u gil-gilay Itoobiya oo sanadihii u dambeeyey wajaheysay xaalado adag oo ka dhashay dagaalladii ka dhacay waqooyiga dalkaas, gaar ahaan gobolka Tigray oo ay warareen ciidanka dowladda.

Si kastaba dowladda Itoobiya ayaa haatan wajeheyso xaalad adag, iyada oo ay ku kacsan yihiin qowmiyada qaar, sidoo kalena ay usii dheer tahay dagaalka ay kula jirto TPLF.

The post Abiy Axmed: Geeri ayaan ka xigaa in aan xukunka wareejiyo appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/abiy-axmed-geeri-ayaan-ka-xigaa-in-aan-xukunka-wareejiyo/

Post a Comment

0 Comments