Burco (Caasimadda Online) – Allaah u naxariisto waxaa magaalada Burco goordhaw ku geeriyooday Jilaagii caanka ahaa ee ruwaayadaha Abwaan Sooraan Ismaciil Sugulle.
Abwaanka ayaa muddooyinkii dambe xanuunka covid-19 la jiifay mid ka mid ah isbitaalada Burco, waxaana dhowr jeer oo hore si been abuur ah loo shaaciyay inuu dhintay.
Sooraan ayaa ka mid ahaa jilayaasha aadka looga yaqaanay geyiga Soomaalida, kuwaas oo inta badan soo gudbiya Ruwaayadaha madadaalada .
Sooraan wuxuu caan ku ahaa sheekooyin ay inta badan isla soo jili jireen Abwaan Jawaan oo ay saaxiibo ahaayeen.
The post Majaajileyste caan ka ahaa Soomaaliya oo u geeriyooday Coronavirus appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/majaajileyste-caan-ka-ahaa-soomaaliya-oo-goor-dhow-geeriyoday/
0 Comments