Madaxweyne goboleedkii labaad oo soo gaaray Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa barqanimadii maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, isaga oo noqday madaxweynihii labaad ee soo gaara caasimada, waxaana kasoo horreeyey madaxweynaha Galmudug.

Lafta Gareen ayaa ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga arrimaha doorashooyinka ee uu dhowaanm iclaamiyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, si looga wada-tasho hannaanka doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa gudaha garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda, sida wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan.

Sidoo kale waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in iyana Caasimada ay soo gaaraan madaxweynayaasha kale ee dowlad goboleedyada HirShabelle, Jubbaland iyo Puntland.

Sida muuqata dib u dhac ayaa ku yimid furitaanka shirkan, maadaama inta bada madax goboleedyada dalka ay ka maqan yihiin Muqdisho oo lagu ballamay inuu shirka dhaco.

Wararka qaar oo ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegaya in shirka ay u badan tahay inuu furmo maalinta Sabtida ah, maadaama berri ay Jimco tahay.

Si kastaba, qaban-qaabadii u dambeysay ee shirweynaha wada-tashiga qaran ayaa ka socota magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in shirkaan xal loogu helo doorashada.

The post Madaxweyne goboleedkii labaad oo soo gaaray Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/madaxweyne-goboleedkii-labaad-oo-soo-gaaray-muqdisho-sawirro/

Post a Comment

0 Comments