HirShabelle oo war cusub kasoo saartay khilaafka kala dhexeeya DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa faah faahin ka bixiyey khilaaf horleh oo soo kala dhex-galay maamulkaasi iyo dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Caadle oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa shaaca in wasaaradda maaliyadda maaliyadda Soomaaliya ay ka gaabisay fulinta mashruuca horumarinta iyo wax ka qabashada fatahaadaha kusoo laa laabtay deegaanada dowlad goboleedka HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda dhexe, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda ay haatan billowday fulinta mashruucan, xilli uu karkaaraha jabsaday wabiga Shabelle.

Wasiirka oo hadalkiisa siita ayaa xusay in xaaladda Jowhar iyo fataahadaha ku dhuftay ay gaariisan tahay heer aan wax laga qaban karin, loona baahan yahay in la xakameeyo biyaha.

“Mashruuca wax ka qabashada Fatahaadaha DG Hir-Shabeelle gaabiska ku yimid waxaa iska leh Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, qandaraaska waxaa la bixiyay xili uu fatahaad sameeyay wabiga Shabeelle dabcan meel wax laga qaban karo lama joogo, balse xalka loo baahan yahay waa in biyaha la xakameeyo kadibna lagu dhaqaaqo mashruuca, ”ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadeyao, iyada oo wasaaradda maaliyadda qudheeda ay eedeynta dhabarka u saartay HirShabelle oo ay sheegtay inay ka gaabisay ka hortagga fatahaada.

The post HirShabelle oo war cusub kasoo saartay khilaafka kala dhexeeya DF Somalia appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/hirshabelle-oo-war-cusub-kasoo-saartay-khilaafka-kala-dhexeeya-df-soomaaliya/

Post a Comment

0 Comments