Sarkaal ka tirsanaa ciidamada DF oo lagu dilay dagaal ka dhacay gobolka Galgaduud

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay duleedka degmada Dhuusamareen ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ciidamada huwanta ay howl-gallo ka bilaabeen deegaanada Ceeldheere iyo Sina-dhaqo oo ka tirsan gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dagaalkaasi lagu dilay Dhamme Sayid Bicir oo ahaa Abaanduulihii ururka 71-aad, guutada 15-aad ee qaybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka, ayna jiraan dhaawacyo soo gaaray askar kale.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in dhankooda ay dileen ugu yaraan saddex xubnood oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, isla-markaana kasoo furteed hubkooda.

Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa weli cakiran, waxaana gaaray ciidamo kale oo gurmad ah oo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ka fuliso deegaanada lagu dagaalamay oo hoostaga caasimada dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.



source https://www.caasimada.net/sarkaal-ka-tirsanaa-ciidamada-df-oo-lagu-dilay-dagaal-ka-dhacay-galgaduud/

Post a Comment

0 Comments